Gunnada Horumarka

rajoHorumarku waa rajada dawladkasta oo rabta inay caalamkan aan ku noolnahay waxkanoqoto, horumarku wuxuu noqday yool qaali ah maadaama cidwalbaa higsanayso, cid aan gunada  horumarka iska dhiibin si ay hormar ku hanataa waa adagtahay, sababtoo ah laaluush iyo xatooyo toona laguma helo!, guno cad baa kaaxigta, oon gorgoris aqblayn!.

 

Waamaxay gunada horumarka?

Gunada horumarka ayaan waxaan kusoo koobi karnaa sadex qodob oo kiiba sadex qodob ookale hoosta kuwato, sadexdaas qodob ayaa kala ah:-

  1. Doonis
  2. Dhugmo
  3. Firfircooni

doonis dhugmo firfircooni

 

 

 

 

 

1.  Doonis

Doonis waxaanu kawadnaa inuu jiro rabitaan guud oo dhab ah oo ku aadan horumarka, waxaan ku ogaan karnaa inuu rabitaankaan jiro markaan aragno qodobadan:-

  1. Dareen (oo aan kawadno inuu jiro dareen ah inaan dib udhacsananay, oo macneheedu yahay inaan cudurka dareensanahay)
  2. Himmad (oo aan kawadno inay jirto himmad sare oo ku aadan halka aan rabno inaan gaarno kadib markaan xanuunka ka bowsano)
  3. Himilo (oo aan kawadno inay jirto kalsooni buuxda oo ah inaan xaqiijin karno himmadanada, islamarkaasna aan diyaar unahay inaan uhurno naf iyo maal)

 

dareen hammi himilo

 

 

 

 

 

2.  Dhugmo

Dhugmo waxaan kawadnaa inay jirto aqoon dhab ah oo ku aadan sadex arimood oo kala ah:-

  1. Halka hada aan joogno (lafa gurista waaqica taagan ayadoo laga eegayo qodobada aan ku liidano iyo kuwa aanu ku fiicanahay intaba)
  2. Halka aan higsanayno (dajinta yoolashaneena fogfog)
  3. Qorshe dhab ah oo ku aadan qaabka ugu fiican een aragtida ku xaqiijin karno

lafagurida dajinta qorshaynta

 

3.    FIRFIRCOONI

Firfircooni waxaynu kawadnaa inaan fulino yoolasha inoo dagsan anagoo xooga saarayna inaan ku fulino hawshaah:-

  1. Waqtiga ugu yar
  2. Taklifada ugu yar
  3. Shaqada ugu yar

 

Cabdullahi Cali Muxammad

ibnucabbaas2005@hotmail.com


Share and Enjoy

2 Comments

  1. Waa barnaamij xiisa leh balse waxaan is iri in raadye laga siidaayaa loogu talagalay oo markaas waa qabyo balse fikrado muhima ayuu xambaarsanyahay

  2. barnaamij aad u heer sareeya weeye masha allah

Leave a Reply

Your email address will not be published.

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>